Sign in to follow this  
Deeq A.

Is afgarad wakhti gaaban oo laga gaaray muranka Webiga Nile-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha kala ah Itoobiya, Masar iyo Sudan, ayaa heshiis waqti gaaban ah ka gaaray in Itoobiya ay bilowdo biyo xireenka ay ka dhisayso  webiga Nile, kaas oo si adag ay uga soo hor jeesteen dowladaha Masar iyo Sudan.

Heshiiska cusub, ayaa dhigaya in guddiyada farsamada ee gacanta ku haya xalinta khilaadka ka dhaxeeya seddexda dowladood ay heshiis dhinacyadu ka qanci karaan ka gaaraan mudda laba todobaad gudahood ah.

Itoobiya ayaa la filayey in ay todobaadka soo socda ee bilowga bisha July ay bilowdo buuxinta biya xireenka wabiga Nile, kaas oo ay horay ugu dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa, waxaana si adag uga hor yimid Masar iyo Sudan.

Masar iyo Sudan, ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay doonayso Itoobiya ay yaraan doonaano biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaha laga is ticmaalo dalkeeda.

PUNTLAND POST

The post Is afgarad wakhti gaaban oo laga gaaray muranka Webiga Nile-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this