Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo cabasho ka muujisay nidaamka 4.5

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen uqdisho mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga dalka ee 4.5.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer-weyne ayaa waxa ay sheegeen in wadanka uu hadda galay nidaam doorasho, beelahana ay isku howli doonaan sidii ay markale uga soo muuqan lahaayeen siyaasadda dalka, iyaguna uu maqan yahay doorkoodiii.

Tan iyo shirkii Carto ayey sheegeen in ay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in haatan wixii ka dambeeya aysan aqbali doonin in xuquuqda siyaasadeed la dudsiiyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Beesha Jareer-weyne ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, man’ahan markii ugu horreysay oo ay cabasho ka muujinayaan nidaamka beelaha ee haatan wax lagu qeybsado.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this