Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey in ciidamada Soomaaliya aysan awood u laheyn dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wali ah kuwa ‘aan awood u laheyn’ in ay ka saaraan meelaha ay ku xoogan yihiin ee Al-Shabaab, taas oo u suurta gelisay in Al Shabaab gacan ku hayso qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka.

Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa ku xustay warbixinteeda wadaniga ah ee laxiriira argagixisannimada 2019, in ay muuqato in aan guul laga gaarin Al Shabaab ka dib 13 sano oo dagaal ah waxa ayna sanadkii la soo dhaafay fuliyeen in kabadan 1000 weerar oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo waqooyiga Kenya sida ku cad bayaanka Maraykanka.

Qaybta Soomaaliya ee sahanka sanadlaha ah ee adduunka ayaa ku qiyaaseysa in Al-Shabaab dhanyihiin tiro ahaan inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 9,000 xubnood.

Maalgalinta

Al Shabaab ayaa ku maalgalisa howlaheeda “soosaarka dhuxusha sharci darrada ah iyo dhoofinteeda, canshuuraha shacabka iyo ganacsiyada, iyo lacagaha loogu diro xawaalaha  Soomaalida,” ayay warbixintu intaas ku dartay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ma sheegay lacagaha ay u qoondaysay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo inta ay la egtay lacaga soo galaha Xoogga gacansaarka la leh Al Qaacida ee ku sugan Soomaaliya.

Howlgallada la bartilmaameedsaday Al Shabaab oo ay fulinayaan cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ee  Mareykanku tababaray ayaa lagu sheegay warbixinta in ay u taagan yihiin dagaalka Al Shabaab si ka duwan weerarada kale ee ciidamada qaranka.

Laakiin warbixinta ayaan xusin ololaha sii xoogeysan ee weerarada cirka ee ay fuliyeen Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ee ka dhanka ah Xoogga  Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo waqooyio barI Kenya.

Africom waxa ay fuliyeen 63 shaweerar oo cirka ah sanadkii hore, marka la barbar dhigo 47 sanadkii 2018 iyo 35 sanadkii 2017.

Dib-u-habeynta amniga.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya “waxa ay ku guul darreysteen hirgelinta isbadallada amniga qaranka iyo sharci u dejinta oo gacan ka geysan kara kor u qaadista awoodda dowladda ee sugidda iyo Maamulidda si hufan dhammaan heerarka DFS iyo Goboleedyada dalka,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Laakiin waxa ay ku amaantay dowladda federaalka ” in ay raali katahay dadaalada Mareykanka ee lagu hagaajinayo tayada xarumaha booliska ee waddanka oo dhan.”

Dowladda Kenya ayaa warbixintu ku tilmaantay “iskaashi Mareykan ah oo raali ka ah” baarista, maxkamadaynta iyo ka jawaabista weerarada Al Shabaab.

Sikastaba, warbixintu waxa ay xustay in ciidamada amaanka Kenya lagu soo wargaliyay in ay ku xad gudbeen xuquuqul insaanka howlihii la dagaalanka Al shabaab, Xadgudubyada loo haysto waxa ka mid ah dilal sharci-darro ah, xiritaan iyo jir-dil.

Weerarkii DusitD2

Booliska Kenya iyo ciidamada kale ee dalkaasi ayaa lagu amaanay sida ay ugu jawaabeen weerarkii Janaayo 2019 DusitD2 Hotel. Wax qabadkooda munaasabaddu waxay ahayd “si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee looga jawaabayo halista argagixisada iyo weerarada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maxkamadaynta Kenya ee dadka argagixisada looga shakisan yahay ay muujineyso horumarin iyo qaladaadka dhacay garsoorada sida ku cad warbixinta Maraykanka.

“Maxkamadaynta kiisaska argaggixisannimada ayaa inta badan si tartiib tartiib ah oo aan habooneyn u bilaabma,” warbixinta ayaa sheegtey, iyadoo la tixraacayo in saddexda eedeysane ee hartay weerarkii Westgate Mall ee 2013 ay wali maxkamad ku jiraan dhamaadka 2019.

“Guul muhiim ah” oo la gaarey sanadkii la soo dhaafay waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta xukunnadii iyo 15 sano oo xukunno ah oo laba Iiraaniyiin ah oo ku lug lahaa qarixii bambaanooyinka ee sanadkii 2012.

Sidoo kale sanadkii hore, maxkamad ku taal Kenya ayaa ku heshay saddex ka mid ah afarta eedeysane in ay ka qayb galeen xasuuqii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this