Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo gabar dhalinyaro aheyd ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystay gabar dhalinyaro aheyd ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xamadi Cabdulllaahi, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dilkeeda ayaa yimid, kadib markii askariga uu rasaas ku furay mooto Bajaaj ay saarneyd Allaha u naxariisteen marxuumad Xamdi oo xilligaas mareysay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this