Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qaaddacday Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray Kulankii Khadka Video-ga ahaa ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxd heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaasi oo la isla gartay in la joojiyo Xeerarka horyaalla Golaha Shacabka.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Dowladda Puntland, yay kaga digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damaca iyo rabitaanka gaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka, islamarkaana abeen abuur lagu samaynayo Xeerarka iyo Shuruucda Waddanka.

War-saxaafadeedka Dowladda Puntland, ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Go’aannada ay gaareen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ee la xiriira arrimaha Doorashada iyo Qaybsiga Khayraadka aysan Puntland qayb ka noqon doonin dhaqan gelintooda.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda, kaas oo ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

1-19.jpg?fit=1000%2C1295&ssl=1 2.png?fit=1000%2C1295&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo qaaddacday Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this