Deeq A. Posted June 24, 2020 Waxaa Sharaf weyn ii ahayd inaan Galabta ka gudoomo Jaaliyada Somaliland ee reer Bristol lacag dhan £7,540 gini oo u dhiganta $9,448 US dollars oo loogu talo galay gurnadka xanuunka COVID.19 ee ku habsaday Dalka Somaliland aniga oo ka Wakiil ah oo metelayay Safiirka iyo Safaarada Somaliland ee Dalkan UK. Jaaliyada reer Somaliland ee Magaalada Bristol ayaa dhaqaalahan kaga jawaabaysay Baaq guud oo ay Safaaradu kaga codsatay in Jaaliyadaha Somaliland ee Dalkan ku nooli ay ka qayb qaataan Taakulo dhaqaale oo lagu tabaruco sidii Xanuunka COVID-19 loola tacaali lahaa. Waxa ay Jaaliyada Somaliland ee UK ku dhaqan iyo Safaaradu ay hore isula garteen in la iibiyo laba Baabuur oo waaweyn oo ay ku raran yihiin ama ku rakiban yihiin Qalabka lagu baadho xanuunada COVID-19 Iyo xanuunada kale (Laboratory testing for coronavirus) labadaas baabuur oo midi ka hawl geli doono Gobolada iyo Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Gobolada Bari ee Dalka Somaliland, Gaadhiga kalana uu ka hawl geli doono Gobolada, Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Gobolada Galbeed ee Somaliland. Magaalooyinka kala duwan ee UK ayay ka socdaan dhaqaale ururintaasi, waxaana lagu ballansan yahay in Magaalo kastaa ay soo shubto lacagta ay ururiyeen wixii ka horreeya maalinta Jimcaha ee inagu soo aaddan Insha Allah. Isla galabta waxaan lacagtan si toos ah aanu ugu shubnay Akoonka Hay’adda AMAR Foundation oo soo iibin doonta labadaas Baabuur ee qalabaysan. Waxaanu u Mahadnaqayaa Jaaliyada Bristol, waxaanan ka codsanayaa in Jaaliyadaha kale ee UK ku dhaqanina ay soo wareejiyaan lacagtii ay uruuriyeen Maalinta Jimcaha ee inagu soo aaddan hadii uu Allah raali ka noqdo. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol.UK Qaran News Share this post Link to post Share on other sites