Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Xabsiga Ka Siideysay Fannaaniin Muddo u Xirnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa xabsiga ka siideysay labo gabdhood oo fannaaniin ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Hargeysa, waxaana xabsiga la dhigay ka dib markii ay ka laabteen Muqdisho ay ka qaadeen Heeso.

Labada fanaan ayaa lagu kala magacaabaa Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali, iayaga warbaahinta  kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay in markale ay dib u helaan xoriyaddooda .

Somaliland ayaa horay xabsiga uga siideysay wariyaal iyo dad magac ku dhex lahaa bulshada, kuwaas oo kamid ahaa Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo muddo u xirnaa, kadib markii ay ku eedeysayey inuu meel uga dhacay qaranka.

Siideynta labadaan fannaan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo dhowaan dib u bilaabashada  wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay la isku raacay in la fasaxo isku socodka dadka, ganacsiga, ciyaaraha iyo Fannka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this