Deeq A. Posted June 24, 2020 Gen. Cali Baadiye Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa (Cali Baadiye) ayaa saaka oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Alle ha u naxariistee, Gen. Cali Baadiye ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa. Marxuum Cali Baadiye wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii Dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990. Marxuum Cali Baadiye ayaa taliyaha Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse). PUNTLAND POST The post Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites