Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababar ee Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaanada Jilib Marko iyo Gandershe.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegayaan inay haatan taggaasi ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay dib ka faahin faahin natiijada saxda ee baaritaanadooda.

Gobolka Sh/ Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidamada huwanta ay ka wadaan gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this