Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Xerada TURKSOM ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa si kulul loogu Cambaareeyay Qaraxaas Ismiidaaminta uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa islamarkaana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimash iyo dhaawac.

Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Xerada TURKSOM ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this