Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo isku beddelay Taliyaashii Ciidamada Dhulka iyo Badda

Recommended Posts

Deeq A.   
Dirir-iyo-Cabbaas.png?w=1000&ssl=1Labada Taliye Midig Cabbaas Amiin Bidix Cabdixamiid Dirir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku beddelay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Badda  loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya.

Dikreetada ayaa sidoo kale  Taliyaha Ciidanka Dhulka loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabbaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Taliye ee xilalka loo kala beddelay  u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo isku beddelay Taliyaashii Ciidamada Dhulka iyo Badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this