Sign in to follow this  
Abdulladiif Al-Fiqih

Abaal Hooyo

Recommended Posts

Heestan ninbaa aana hada magaciisa xusuunsan ayaa tiriyey maalin ku beegan dhalashadii hooyaydiis waxayna kutarjumaysaa abaalka hooyo ubadkeed kuleedahay iyo sidaan marnaba loo gudi karaynin. Hadii aad hayso ama garaneyso hees, gabey iwm oo kusaabsan amaan hooyo, fadlan buggan kusoo bandhig aan kula wadaagne’e

 

 

Alkun iyo ahaanshoba Amin sagaal bilood

aan Sedkaygii idlaystoo Abuurkaygu buuxsamay

Eedaadka fooshii Umul waayahaagii

Hooyo iil kor saarnayd Aawaday u sigatee.

Isha markaad I saartayna Nabarkii illowdoo

Ibta caanahaagii Afka iigu qabatee

Immisaad habeenimo Irdho aad la salashoo

aad olololwaa iyo Ammaan igu sabaysoo

Anoo ilaxidh seexdayna Immisaad ilaalada

Ooggu kugu iftiimoo Hurdo kala abaadeen

Dhabtaadaa ardaayoo Dhaqan laga arooraa

Anshax laga barbaaraa

Aqoon looga hoydee.

Unuggii bulshaday

Illinkii kalgacal iyo Astaantii jacaylkay

Addoomaha u mudanay

Eebbana cibaadada Amran lagu lammaanshay

Abaal hooyo yaan gudin

Awoodayda maahee

Hayeeshee itaalkay

Magacaaga eed iyo Iinta waan ka dhowriye

Aakhirana samahay Allif haddii la ii qoray Adaan ku hibeeyee

Anna raalli gelintaa Janno waan ku eefiye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Touching lyrics!

 

Hooyooy macaaney

Nuurkii indhaheygaay

Ruuxii qalbigeygaay

Aayihii nafteydaay

 

Hooyooy Macaaney

Daaradadaa nasasho laga helaaye

Dhabtaadaa raaxo laga helaaye

Agjoogaagaa nimco lagu helaaye

Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye

 

Hoyoooy macaaney

Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee

Jaceylkaan kuu qabo

Kalaam laguma koobi karee

Saad iigu rooneyd

Rabbi ha kuugu roonaado...

 

:Dredface.gif

 

May Allah bless all the beautiful mothers out there who continue to pour out their unconditional love for us, nurture and inspire us, empower and motivate us...I'll stop before I tear up...

 

*goes to give mom a humongous hug* Alhamdulilah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

The above song(Abaal Hooyo)was composed by Xassan Cumar Hoori, Aftahan. Used to be one of the Somali Entrepreneurs in the Somali Film Industry.

 

So Long

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Abraar

Touching lyrics!

 

Hooyooy macaaney

Nuurkii indhaheygaay

Ruuxii qalbigeygaay

Aayihii nafteydaay

 

Hooyooy Macaaney

Daaradadaa nasasho laga helaaye

Dhabtaadaa raaxo laga helaaye

Agjoogaagaa nimco lagu helaaye

Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye

 

Hoyoooy macaaney

Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee

Jaceylkaan kuu qabo

Kalaam laguma koobi karee

Saad iigu rooneyd

Rabbi ha kuugu roonaado...

 

Abraar, ina abti ma jacbur baa mise waa gabay horey u jirey...... Si buu iila deel qaaf badan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

Koolkooliye sxb ka waran haddii aan soo qoro Hees magaceeda la yiraahdo 'EED HOOYO LAGA GALLAY'? Ma fillaysaa in ay tahay caadi maadaamo, sida magaca heeska ka muuqataba, ay tahay Hees ka turjumaysa uurkutaalooyinka mararka qaar lagula kaco ama loo geysto Hablaha yar yar ee soo karaya, iyada oo markaasi la adeegsanayo xeeladdo baaxad leh oo marin-habaabis ah si loo xaddo garaadka iyo caqliga hablahaas hanaqaadka ah ee aan waxba gallabsan? Do U think it should be Ok to post that kind of Song down here in this thread? Haddii se ay tahay meeshan meel loogu talo gallay ABAALKA HOOYOOYINKA & AMAANTOODA, meel kale ayaan soo gellin doonaa, HEI

 

Thanks and So Long

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this