Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta lagu wadaa in golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ah, ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir  uu ku yeelanayo  baarlamanka 11-aad iyo kuraasta gobolada Woqooyi ka soo galaya.

Waxaa la filayaa in dood dheer goluhu ay geliyaan, maaddaama ajandaha uu yahay mid muhiiomadiisa leh , gobolka Banaadir ayaa horay loogu Ansixiyey 7 kursi in ay ku mataan golaha Aqalka sare .

Kulanka golaha ayaa kamid ah kala fadhiga 7-aad  , kaas oo ah midkii ugu dambeeyey, mudo xileedkiisa, waxaana laga sugayaa howlo badan, oo ay ugu weyn tahay dib u eegista dastuurka dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this