Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, Somalidana ku gefay+Dareencelinta Ilhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, Somalidana ku gefay

 ilhan-1-300x168.jpg

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo jeediyey khudbad dheer ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Kongareeska dalkaasi, isagoona sidoo kale u gefay Soomaaliya.

Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in Ilhaan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday oo kale

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Soomaaliya aysan laheyn ciidamo dhisan, sida

“Ilhaan Cumar waxaa ay dooneysaa inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis ka ma jiro, nabad kama jirto, balse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jahwareer , waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay u dagaaalameyso inay galangal xoogan ku yeelato dowladda Joe Biden oo ah Murashax xisbiga dimuqraadiga ee xilka madaxtinimada kula tartami doono Trump.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliys, isagoo ku weerarayo Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.

Dareencelinta Ilhan:-

Look, as the impeached President with over 100,000 Americans dead, 40,000,000 people without a paycheck, and massive protests across the country, maybe sit this one out.

The only one failing to run our country is you, not this immigrant.

Immigrants, we get the job done 💪🏽 https://t.co/KR1uUcZPAF

— Ilhan Omar (@IlhanMN) June 21, 2020

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this