Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan oo si kulul uga hadlay weerarkii Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay weerarkii loo adeegsaday qaraxyada ee xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Shariif aya weerarkaasi oo lala beegsaday guriga sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ka dambeysay Al-Shabaab.

Sidoo lale wuxuu shaaciyey inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, isago tacsi u diray dadkii ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan cambaareynayaa, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee Al Shabaab ka geysteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray in dadka ugu badan ee uu khasaaraha soo gaaray ay yihiin dad shacab ah oo aan ku lug laheyn siyaasad iyo dagaal.

“Waxaan xog ku helay in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan oo carruur u badan.” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri.

Weerarada ugu badan ee ka dhaca deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this