Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo shaacisay in hoggaanka dalka uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay soo saareen xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu eedeeyay dowlada federalka inay ku fashilantay qabashada doorashada qof iyo cod ah,iyagoo ku baaqay shirweyne deg-deg ah.

Waxay ugu baaqeen Baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyay Guddigii wadajirka ahaa , ayna dalka iyo deegaanadaba u horseedeyso qalalaase iyo degenaansho la’aan xalintiisu adkaato muddo dheer.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in hoggaanka dowladda Soomaliya uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga tashado.

Waxa ay sidoo kale ka Codsatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan ansixin qodobo ka mid ah kuwii ku xusnaa xeerka doorashooyinka Qaranka oo abuuri kara Xasiilooni daro Siyaasadeed.

Halkaan uoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran

 

 

82989388_266724751426383_126384453551590

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this