Deeq A. Posted June 20, 2020 Dawlad goboleed cusub oo laga abuuray Itoobiya Qowmiyada Sidaama oo kamid ah Qowmiyahada dega dalka Itoobiya ayaa ku guuleesatay in ay yeeshaan dowlad goboleed u gaar ah, kadib markii afti laga qaaday dadka Qowmiyadaasi sidaasi u codeeyeen. Go’aankan dowlad goboleedka cusub loogu abuuray qowmiyada Sidaama oo ah tan shanaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay dalab qowmiyadaasi ku dooneysay in ay yeelato ismaamul u gaar ah. Rabshado dad badan ku dhinteen ayaa sanadkii hore ka dhacay gobolka Qowmiyadaasi ku badan tahay, waxa ayna dadkan mudo dheer u dagaalamayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ismaamul lamid ah kuwa Qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Qowmiyado badan oo kunool dalka Itoobiya ayaa dalbanaya in ay yeeshaan ismaamul iyaga u gaar ah, waxaana dalkaasi ka jira maamulo ku dhisan qaab qowmiyado ah, iyadoona ay ka dhaxeyso dowlad dhaxe oo Federaal ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites