Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay gobolka BAKOOL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” uu ka hadlay dagaal qaraar oo todobaadkii hore degaanka Abal ku dhaxmaray ciidankiisa iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Abal waxaa sida la rumeysan yahay ku dhintay ku dhowaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah, waxa uuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmaray ciidamada Abuu Mansuur oo dowladda taabacsan iyo Al-Shabaab.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu Xildhibaano iyo siyaasiin ku beel ah uu ka dalbaday in Muqdisho loo soo qaado 14 askari oo dhaawac ah, waxaana ku jiray taliyaha ciidanka Abuu Mansuur oo sidoo kale ahaa ku xigeenkiisa.

Sarkaalkaan dhaawaca ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Mukhtaar waxaana hadda lagu dabiibayaa Muqdisho, ayada oo ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo dhaawacyo qaba kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Xudur. Abuu Mansuur oo xabsi guri ah ayaa dalbaday in laga warqabo dhamaan dhaawacyada iyo daryeelkooda.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu hayaa guri ku yaalla Muqdisho in ka badan hal sano kadib markii la soo xiray isagoo ah musharax Koonfur Galbeed dhamaadka sanadkii 2018. muddo uu ku jiray xabsiga NISA ayaa kadib loo wareejiyey xabsi guri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this