Sign in to follow this  
Deeq A.

Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya oo Madaxweyne-xigeen Cusub doortey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya oo Madaxweyne-xigeen Cusub doortey

 ibraahin-300x249.jpg

Gudiga Xiriirinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad degaana Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa go’aamiyay in Ibraahim Cismaan uu noqdo Madaxwayne ku-xigeenka DDS.

Masuulkan cusub ayaa bedelaya Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida oo loo doortay dhowaan gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya.

Sidoo kalena afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabay  Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela)

Golaha Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa la horgeyn doonaa xubnaha la magacaabay kuwaasoo loo dhaarin doono xilalka marka goluhu ay siiyaan codka kalsoonida.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this