Sign in to follow this  
Deeq A.

Tacsi ku socota qoyskii uu ka baxay qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   
MaxamedBaasheMarxuum-300x251.jpg

Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada caalmiga ah ee Qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaan jiray wariye caan ah xiligii lagu jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland isaga oo ka hadli jiray idacadii Halgan ee ku hadli jirtay codkii ururkii dhaq dhaqaaqa SNM.

Sidoo kalena ahaa qoraa soo bandhigay buugag dhowr ah oo taariikhda gali doona kuwaasi oo uu qaarkood ka qoray abwaano dhowr ah.

Marxuukmka waxa aanu Ilahay uga baryaynaa in uu dhamaanteenba samir iyo iimaan inaga siiyo siiba waxa aanu tacsi gaar ah u diraynaa xaaskii iyo caruurtiisii, waxana aanu Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo

Aamiin

Qarannews.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this