Deeq A. Posted June 18, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Sida innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo xirnaa dharka ciidanka Booliska. Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday toogashada kadib. Warar ayaa sheegaya in xilliga uu dilka dhacayey uu mashquul xoogan iyo jaam uu ka jiray isgoyskaasi, iyadoona meydka marxuumka uu muddo yaallay halkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa weeraro ku disha kooxda Al-Shabaab oo weeraro qorsheysan ka fulisay caasimada. Share this post Link to post Share on other sites