Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland & Somalia oo Heshiis hordhac ah kala saxeexday +5 Qodob oo ….

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland & Somalia oo heshiis hordhac ah kala saxeexday +5 Qodob

 jabuuti-2.jpg

Shirkii wada-hadalada Dowlada Soomaaliya & Somaliland ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen Heshiis is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen.

Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti.

1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.

5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Somalia waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxeexay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ah wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this