Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda iyo kuwa cadaan ah oo qaraxyo lagula eegtay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah saaka lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ayaa ciidamadaasi waxaa lagula eegtay duleedka deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay  in qaraxyada, kadib ciidamada huwanta ay howl-gallo kooban ka sameeyeen halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday qaraxyada.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay la bartilmaameedsay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa cadaan ah, sida ay hadalka u dhigay.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamadaasi, walow aysan shaacin.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shababa oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM weeraro kula eegtay gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this