Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo war cusub ka soo saartay shirka u socda Somaliland  & Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirka u socda Somaliland  & Somalia

#Somalia’s intl. partners welcome dialogue between Pres. @M_Farmaajo and Pres. @musebiihi, hosted by #Djibouti Pres. @IsmailOguelleh and attended by #Ethiopia PM @AbiyAhmedAli, as important step in strengthening communication and understanding.
For more: https://t.co/QXorxoCnEl pic.twitter.com/AAmbSXbx1g

— UNSOM (@UNSomalia) June 16, 2020

Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka (ee hoos ku qoran) waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wadahadalkaas oo uu martigeliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, uuna ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali. Waxaan bogaadinaynaa taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada.

Waxaan soo dhaweynaynaa kulanka oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xiriirka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda.

Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada hogaamiye uga go’antahay inay wada-hadalka sii wadaan.

*Belgium, Boland, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this