Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo war ka soo saaray wada-hallada  Somalia & Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub oo war ka soo saaray wada-hallada  Somalia & Somaliland

 

 eu-300x150.jpg

Midowga Yurub ayaa qoraal rasmi ah kasoo saaray wadahalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland uga furmay Magaalada Jubuuti ee dalka Jabuuti.

Midowga Yurub ayaa qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 14 Bishaan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelineyso Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan.

 

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wada-halka,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Europe.

Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ay labaduba ka go’an tahay sidoo ay uga wada shaqeyn lahaayeen hannaanka Nabadda iyo horumarinta.

Resumption #Somalia and #Somaliland dialogue important step for normalising relations, bringing new hope for people of Somalia and whole Horn of Africa.
Continuation of talks is essential for peace, prosperity and development.#AUEU @EU_in_Somaliahttps://t.co/rhPKSORHH7

— Josep Borrell Fontelles (@JosepBorrellF) June 16, 2020

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo iyo nabad waarto ay tahay sidoo wadida wadahalada labada dhinac iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhibaato u keeni karo wadahadalka.

The resumption of talks between Somalia and Somaliland is an important step. The EU will spare no efforts to support the process. https://t.co/eOsm3eBaY2

— Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) June 16, 2020

Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa sheegay inay goobjoog ka ahaan doonaan wadahaladaas isla markaasna ay diyaar la yihiin bixinta taageerada iyo dadaalka lagu gaari karo Nabadda iyo barwaaqada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this