Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo soo dhowaysay Guddiga Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho Shariif Sheikh Axmed, ayaa soo dhoweeyay Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalla sare oo loo xil-saaray isu-keenidda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si looga arrinsado Hannaanka Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheikh Shariif.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabada uu qaaday Guddoonka Aqalka Sare ay tahay mid mudan dhiirri-gelin iyo garab-istaag, maadaama sida uu xusay ay Guddoonku muujiyeen bisayl iyo in ay ka go’antahay xal ka gaarista  mashaakilka ka aloosan dalka.

Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayuu sii raaciyay Sheikh Shariif.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada ayaa u rajeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, in ay muujiyaan tanaasul, islamarkaana ay ka fikiraan mustaqbalka Soomaaliya wax kastana ku dhammeeyaan Wada-hadal iyo isqancin.

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada oo soo dhowaysay Guddiga Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this