Deeq A. Posted June 13, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in uu Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Amniga Geelle isaaq Warsame Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab. Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale Wasiir ku xigeenka Amniga Hirshabeelle u magacaabay Xasan Maxamed Cilmi halka uu wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada u magacaabay Yuusuf Sheikh Xasan Macallin. Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa shalay isna sheegay in in uu iska casilay xilkaasi. Wasiir Isaaq oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa iscilaaddiisa ku sababeeyay kadi markii sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan uu joojiyey banaabax lagu taageerayey dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites