Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubaland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubaland ay weerar ku qaadeen degaan u dhow magaalada Dhoobley halkaas oo ay isku urursanayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro fuliyaan.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ka warbixiyay dagaalka ayaa sheegay in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen malayshiyaadkii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa islamarkaana ay kala firxadeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay hawlgallada sii wadayaan si Al-shabaab looga saaro degaannada ay weli ka joogaan gobolka Jubada hoose iyo dhammaan degaannada dowlad goboleedka Jubaland.

Al-shabaab weli dhankooda war kama soo saarin dagaalka dhexmaray iyaga iyo ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobleey.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Dhoobley appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this