Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaqo joojin ku sameysay laba sarkaal oo Boolis ah kadib muuqaal laga faafiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) –  Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun, kuwaas oo lagu eedeeyey xadgudug.

Taliye Cabdi Yare oo warhaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa dhacdadaas.

Taliyaha oo cudur-daar ka bixiyey falkaas ayaa tilmaamay in uu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, wuxuuna sheegay uusan ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska.

Cabdi Yarre ayaa sheegay in kadib dhacdadaas ay qaadeen laba talaabo oo ah guddi baaritaan oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa oo loo diray magaaladda iyo shaqo joojin lagu sameeyay labadda sarkaal boolis.

“Wixii meeshaas ka dhacay ee [muuqaalka] ka muuqdey ma ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca booliska runtii, mana ahayn wax u qalma bulshadeena oo aan annagu iyaga u adeegno iyagana aan ka nimid, marka arrintaasi dhacdo dhacdey ayay ahayd oo ku dhacday aqoon darro iyo sharci xumo ayay ku dhacday,” ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga.

Taliyaha Booliska Puntland wuxuu xusay in kiiskaas gungaaristiisa marka la gaaro la marin doono wuxuu ku dhammaado oo ah cinqaab ama xeer ciidan.

Guddiga ayuu xusay in ay xog-wareysteen saraakiisha iyo dhalinyaradda isla markaana ay soo gudbiyeen warbixin dhameystiran.

“Illaa iyo hadda, kiiskaas waxaanu ka qabanay labadaas talaabo oo ah kuwa ugu waaweyn uguna muhiimsan, sidoo kale waxaan jecel-nahay marka uu kiiska soo gabagaboobo oo gungaar la gaaro in aan Insha Allah mushtamaca iyo warbaahinta la wadaagi doono meesha uu ku dhamaado, hadii ku dhamaado ciqaabna sifada sharciga ahayd la marinayo, hadii uu ku dhamaado discipline iyo xeer ciidanna meeshiisii la marin doono,” ayuu ku daray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this