Deeq A. Posted June 12, 2020 Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u furay ciidamo loo carbinayo in ay qeyb ka noqdaan ciidanka Daraawiishta Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Ciidamadaasi Tababar uga furay xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee Degaanka Docol oo hoostaga Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada tababarka loo furay ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada Daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya mas’uuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay Maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isna kula dar daarmay Ciidamada tababarka loo furay in ay sida ugu wanaagsan uga faa’idaystaan Tababarka loo furay si ay uga qayb-qaataan Difaaca Galmudug iyo Xoraynta Degaanada ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo Tababar u furay Ciidamo cusub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites