Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in ay qarxiyeen booyado shidaal u siday Ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qarxiyeen laba booyadood oo shidaal u siday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada hoose.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa ku warrantay in duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose lagu qarxiyay laba booyadood oo shidaal u siday ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay galbinayeen kolonyo gaadiid ah.

Al-shabaab waxay sheegeen in gebi ahaanba ay bas-beeleen labadaasi booyadood kadib markii ay la beegsadeen miinooyin dhulka lagu sii aasay kuwaas oo Rimood laga hagayay inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kolonyadii la socotay booyadaha.

Taliska Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaan weli dhankooda ka jawaaabin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirtay in ay qarxiyeen booyadihii Shidaalka Ciidamada.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in ay qarxiyeen booyado shidaal u siday Ciidamada dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this