Deeq A. Posted June 10, 2020 Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa war kasoo saaray Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka kaasi oo dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada loogu baaqay in Shir Deg Deg isugu yimaadan si looga hadlo Arrimaha doorashada. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhaweeyay Baaqii Golaha Aqalka Sare ee ahaa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka wada hadlaan hanaanka Doorashada dalka iyo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafyada siyaasadeed ee dhinacyada. Hirshabeelle ayaa kusii baaqday in Shir Deg deg ah la isku yimaado, iyagoona tilmaamtay in wada-hadal oo kaliya lagu dhameeyn karo wax kasto oo jira, isla markaana muhiim ay tahay in la wada-hadlo. Qoraalka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato shuruud la’aan kulan kasta oo lagu xalinayo masiirka dalka. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo taageerray Go’aankii Aqalka sare appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites