Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergooyin Nabadeed oo ku baxay Colaad ka aloosan Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergooyin Nabadeed oo ka kooban cuqaal, Waxgarad iyo Isimo isaga yimid degaannada kala duwan ee gobollada Sool iyo Cayn, ayaa gaaray degmada Ceegaag ee gobolkaasi Cayn, si ay u xalliyaan xiisad u dhexaysa laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas maalmihii u dambeeyay shaqaaqooyin ka dhex dhaceen.

Egooyinka degaankaasi gaaray, waxaa hoggaaminaya Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, waxaana degaanka ku soo dhoweeyey cuqaasha iyo madax-dhaqameedka ku nool degmadaasi Ceegaag.

Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa labadaasi beelood, oo marar kala duwan soo noq-noqotay, ayaa maalmihii la soo dhaafay ka aloosnayd degaannada Horufadhi, Gocondhaale, Ceegaag iyo gudaha degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Ergooyinka Nabadeed ee halkaasi gaaray, ayaa doonaya in ay xalliyaan shaqaaqooyinka ku salaysan aanooyinka qabiil ee ka taagan degaannadaas, waxaana la filayaa in ergooyin kalena ay maalmaha soo socda gaaraan degaanka.

PUNTLAN POST

The post Ergooyin Nabadeed oo ku baxay Colaad ka aloosan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this