Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil kale oo ka tirsan DF oo musuq-maasuq loo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in la xiray ilaa saddex sarkaal oo ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka badan Soomaaliya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saraakiishaan ay xabsi ku jiraan muddo todobaadyo ah, waxaana loo heestaa eedeymo la xariira musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Saraakiisha la xiray ayaa ka tirsan xafiiska maaliyadda ee wasaaradda, qasnaji, iyo xisaabiye waxaana la sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku socdaan rag kale oo qaarkood ay haayaan xilal sare.

Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya waxay isla dagan yihiin wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaarado kale waxayna noqoneysaa wasaaraddii 2-aad oo muddo 10 cesho ka yar dad looga xiro musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore sidaan oo kale u xirtay saraakiil ka tirsan wasaarado dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay xiran yihiin.

Waxaa dhowaan dacwad lagu soo oogay illaa 20 sarkaal oo ka tirsan dowladda oo lala xiriiriyey musuq-maasuq ka dhacay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this