Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha FESOJ oo Soo Dhoweeyey Hadalka Villa Somalia Ee Kiiska Gurbiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Abaadir Cabdiqaadir Cilmi ayaa soo dhoweeyey dalabka mas’uul ka tirsan Villa Somalia ee ah in dib loo eego dacwada ka dhanka ah weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye.

Guddoomiye Abaadir oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “Waxaan Xoojinayaa Hadal qoraaleedka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda ah ee ah in Garsoorka Dalka dib u eegaan Dacwadda lo haysto Haysto Wariye C/casiis Gurbiye oo Goobjoog ka tirsan”.

Guddoomiyaha FESOJ waxaa uu sidoo kale ka hadlay saameynta ay weriye Gurbiye ku yeelatay xayiraadda laga saaray hadalka “Gurbiye 51 Maalmood ayuu bannaanka damaanad ku jooga. Waxna ma qori karo ilaa maxakamadi fasaxdo, taaso ka mid ahayd sharuurdihii Damaanad-qaadkiisi”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Cilmi ka codsaday dowladda inuu Gurbiye helo xuriyad dhameystiran “C/casiis Gurbiye si buuxda ayaan u codsanaynaa in xorriyadiisa si dhamaystiran loo siiyo”.

Agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group ahna tifaftiraha guud Cabdi Casis Gurbiye ayaa 55 maalin laga joogaa xarigiisa, isaga oo tan iyo xilligaas laga saxiixay in aanu wax ka qorin (1) Covid 19, (2). Siyaasadda iyo dhaliisha dowladda (3). Kiiskiisa.
Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this