Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo bannaan-baxyo la filayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta badan waxaa saaka  xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho halkaas oo ciidamo ka tirsan booliska la soo dhoobay.

Warar  ayaa sheegaya in xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ay Muqdisho ka socdeen abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo shalay baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir.

Goobo dhawr ah oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan ee caasimadda ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qabto banaanbaxan maanta si dadka isku soo baxaya aay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.

Sida ay wararku sheegayaan abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo kooxaha taageera Villa Somalia ee la baxay Xoogagga Wadaniyiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbadiisii shalay uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaliya oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare matalaad ka helo.

PUNTLAND POST

The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo bannaan-baxyo la filayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this