Deeq A. Posted June 4, 2020 Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr.45 ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha maamulka Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxweynaha ayaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , xeerka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha *Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. * Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites