Deeq A. Posted June 2, 2020 (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baadhitaan dhinaca caafimaadka oo lagu sameeyay dhowr qof oo looga shakisnaa xanuunka Covid 19. Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay 80 qof oo baadhitaanka lagu sameeyay in 26 ka mid ah laga helay xanuunka Covid 19. Warbixinta ayaa lagu muujiyay in 22- ka mid ah dadkaa ay u dhasheen Soomaaliland 4-kalana ay u dhasheen dalka Hindiya. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 2 qof)(20jir ilaa 29jir = 9 qof)(30jir ilaa 39jir = 7 qof)(40jir ilaa 49jir = 6 qof)(50jir ilaa 59jir = 1 qof)(60jir ilaa 69jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) qof. Source Share this post Link to post Share on other sites