Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan doorashada 2020/2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni oo xalay Garoowe ugu warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Deni oo shaaciyey mowqifka maamulkiisa ee ku aadan doorashooyinkaasi ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada ee lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhammaan hanaanka doorashada Soomaaliya, haddii aan la tashi lagala sameynin.

“Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ugu dambeyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashooyinka, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this