Deeq A. Posted June 1, 2020 Dowlad goboleedka Jubbaland oo faah-faahisay kiisas la xiriira cudurka Coronavirus ee laga helay maamulkaas ayaa sheegtay inuu cudurka ku faafayo deegaanadeeda. Wasiirka caafimaadka Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay la baaray 74 ruux balse ay diiwaan-geliyeen 34 xaaladood oo la xiriira cudurka Corovid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudurka uu haatan ku sii faafayo deegaanada Jubbaland, isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah inay qaataan talooyinka caafimaadka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-wasiirka-caafimaadka-jubaland-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites