Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas: Haddii Xaliimo Yarey la yiraah Sacuudiga doorasho ma ka qaban kartaa asbuuca soo socda, haa ayey oran

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weerar culus ku qaaday guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran Xaliimo Yarey, oo uu sheegay inaysan daacad ka ahayn in dalka doorasho ay ka dhacdo.

“Xaliimo Yarey, haddaad weydiisaan, maanta la yiraahdo, Sacuudi Carabiya ma ka qaban kartaa doorasho asbuuca soo socda, haa bey oraneysaa,” ayuu yiri Cadbi Weli Gaas.

“Waa hay’ad daneystayaal ah, ma qaban karno, iyo waxaas ma dhici karaan, danta qaranka darteed saas baan u aragnaa, may oranayaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Hadalka Gaas ayaa imanaya ayada oo ay soo kordhayaan walaacyada laga qabo in doorashada dalka dib loo dhigo, ayada oo mucaaradka ay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka inay muddo kororsi kala shaqeynayaan Villa Somalia.

Guddiga doorashada ayaa marar badan sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka qaban karaan, xilli uusan jirin amni, islamarkaana aan codbixin laga qaban karin deegaano badan sida Somaliland iyo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Mucaaradka ayaa ku adkeysiga noocan doorasho ku qeexay mid la doonayo in waqtiga lagu lumiyo, kadibna marka ay xilliga doorashada dhowdahay gacan laga taago, si waqti kordhin loogu sameeyo xukuumadda, qorshahan oo ay sheegeen inay isla ogyihiin guddiga iyo Villa Somalia.

Guddiga ayaa beeniyey eedeymahan ayaga oo ku adkaysatay in doorashada ay dhici karto, waqtigeedana lagu qaban karo.

Hoos ka daawo Cabdi Weli Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this