Deeq A. Posted May 31, 2020 Xaafadda Raadeelka ee degmada Dayniile waxaa maanta ka dhacay dil loo geystay Allaha u naxariistee gudoomiyihii Waaxda Halgan ee dagmadaasi, C/qaadir Fooldib Axmed. Dilka waxaa geysatay xaaskiisa, kadib markii ay Toorey si gaadmo ah ugu dhufatay, isagoona markii dambe dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka. Wararka ayaa sheegaya in xaaskiisa ay u dishay arrimo la xiriira Maseyr, kadib markii ay ku weerartay guriga xaaskiisii hore oo xilligaasi uu la joogay, si uu u booqdo caruur ay u dhashay marxuumka. Ehellada Marxuumka ayaa sheegay haweeneyda falka dilka ah geysatay gacanta lagu hayo, islamarkaana sharciga la horgeyn doono. Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya lamaanaha is-qaba ee falalka dilalka ah isu gaysanaya, waxaana tani ay muujineysaa mid halis ku ah bulshada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites