Deeq A. Posted May 31, 2020 (SLT-Addis Ababa)-Suudaan ayaa u yeedhatay wakiilkeedii Itoobiya iyaga oo ka muddaharaadsan waxa ay ku sheegeen faragelinta soohdimaha ay leeyihiin oo ay soo galeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah. Waxaana labada dal u socday wadahadallo ku saabsan xiisadda ka dhex taagan dhanka kale ee biyo xidheenka webiga Niilka, kolkaas oo Itoobbiya sheegtay inay dhamaystirkiisii ku dhawdahay. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Khartuum, ayaa sheegtay dagaalyahanno ka tirsan maliishiyaad Itoobiyaan ah – oo ay taageerayaan ciidanka Itoobiya – ayaa si sharci darro ah uga tallaabeen xadka. Tani waxay dhalisay isku dhacyo horaantii todobaadkan, ka dhex dhacay labada dal, isla sidoo kalena lagu diley askari reer Suudaan ah iyo wiil yar, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Addis Ababa. Muddo sannado ah beeraleyda reer Suudaan waxay ku eedeeyeen dhiggooda Itoobiya inay qabsadeen dhul beereedyo u dhow soohdinta dalkaasi la wadaago Itoobbiya. Arrinta ayaa suuragal ah inay hadda noqotay mid deg deg ah sababta oo ah xiisad kale oo ka dhaxaysa deriska ayaa hor u jirtay -taas oo ahayd dhismaha biyo xidheen ballaadhan oo ku yaalla galbeedka Itoobiya. Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ku doodaya in ay luminayaan biyaha muhiimka ah ee Wabiga Niil, haddii Itoobbioya xidhato Source Share this post Link to post Share on other sites