Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka danjirihii Jaamacadda Carabta ee Somalia oo la qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cade salaadda Janaasada kula tukaday Allaha u naxariistee meydka safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyey Soomaaliya, danjire Xaamud Samraan Aljowhari oo ku geeriyooday Muqdisho.

AUN Meydka safiirka ayaa loo qaaday dalka uu u dhashay ee Sacuudiga, si loogu aaso waxaana madaxdii sagootinta ka qayb-gashay ay u tacsiyadeeyeen ehellada marxuumka, dowladda Sacuudiga iyo Jaamacadda Carabta oo uu Somalia u qabilsanaa.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud  iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka dowladda ayaa tacsi udiray shacab weynaha iyo dowladda Sacuudiga geeridii ku timid Allah ha naxariistee safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyey Soomaaliya, danjire Xaamud Samraan oo ku geeriyooday Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyadeyneysaa geeridii naxtinta leh eek u timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdish. “ sidaa ayay yiraahdeen masuuliyiinta. .

Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo madaxa ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed  23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa gudaha caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this