Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 2020/2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey kulankii golaha wasiirada ayaa sheegay in dalka ay ka dhici doonto doorasho ku dhacda amni iyo xasilooni, islamarkaana ay u dhan-tahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Khayr ayaa tilmaamay in xildhibaanada BFS ay gacanta ku hayaan arrimaha doorashooyinka, isaga oo tilmaamay inay muhiimad gaar ah u leedahay dalka in afartii sano mar la qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya.

“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin ayna saamileyda badankood ama kuligood qeyb ka yihiin, doorasho ayaa dalka ka dhici jirtey 4tii sanaba mar nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay, dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo.” ayuu yiri R/wasare Kheyre.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku soo aadaya, xilli ay haatan dood adag ka taagan tahay qabsoomida doorashada soo socota 2020/2021, taas oo ay walaac ka muujinayaan xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this