Deeq A. Posted May 28, 2020 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogash ah waxa ay ku fulisay askari horey u dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari Marxuum Xasan Shire Amaan. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray, Axmed Aadan Maxamed (Gaagaale) ayaa 7 bishii December sanadkii 2015-kii waxaa uu dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo uu dilka fuliyey wiil uu dhalay taliyaha. Fagaaraha toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qoyska taliye Xasan Shire Amaan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamisay in diyo ahaan loo siiyo askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo ah dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites