Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Dalka Sacuudiga

 sa.jpg

Ugu yaraan 6 Ruux ayaa ku geeriyootey weerar ka dhacay Boqortooyada Sacuudi carabiya sida ay sheegeyaan Warbaahinta  gudaha oo soo xiganaya laamaha ammaanka dalkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Al-Amoah oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaas, waxaana wali ay Booliisku baadi goobeyaan raggii ka dambeeyey qaarkood oo baxsaday.

Faahfaahin lagama bixin sababta iska horimaadka dhalisay iyo cida ku lugta laheyd inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu dhexmaray rag ka soo jeeday labo qoys oo khilaaf uu soo kala dhex galay.

Dowlada Sacuudiga ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarkan oo sidoo kale saddex qof ay ku dhaawacmeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this