Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime cusub oo Isbital Martiini loo magacaabay iyo maamulkii hore oo loo beddelay (Faah-faahin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa bedeshay maamulkii isbitaalka Martiini oo loo asteeyay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda ayaa Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ‘Jalaaludiin’ u magacawday Agaasimaha cusub ee isbitaalka Martiini oo ah isbitaal kaliya ee haatan aad loogu han weyn yahay adeegiisa, maadaama cudurka COVID-19 uu fara ba’an ku hayo dalka.

Martiini ayaa ah goobta caafimaad ee illaa hadda si rasmi ah loogu asteeyay in lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19, waxaana haatan ku jira dad badan oo qaba cudurkaas.

Sidoo kale waxaa maalin kasta taga isbitaalkaas dadka qaba iyo kuwa isaga shakiya cudurkaas, si looga baaro, iyadoo qofkii xaaladiisu darantahayna la jiifiyo.

Dadka ugu badan ee la jiifiyo Martiini waxaa kuwa awoodi waaya inay neefsadaan, waxaana lagu baxnaaniyaa qalabka neefta siiya ee Oksajiinka.

Agaasimaha cusub ee haatan loo magacaabay isbitaalka Dr, Jalaaludiin waxa uu horay u ahaa la-taliyaha nidaamka caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka, sidoo kale waa xubin ka tirsan guddiga ka hor tagga xanuunka Coronvirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this