Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo gurmad u direyso deegaanada ay ka jiraan xaaladaha adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay wax u qabashada deegaannada ay ka jiraan xaaladaha daran ee xagga bani’aadanimada.

Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19, waxaa kaloo ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee saameynta safmarka ee Covid-19.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo deegaanada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay ka mid tahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this