Deeq A. Posted May 26, 2020 Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Abuukar ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Senator Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Najax iyo guddoomiyaha degmada Marka C/laahi Waafow ayaa xubnahaasi ku soo dhoweeyey halkaasi Soo dhoweyn kadib mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay ka dhagax dhigeen xarunta maamulka gobolka ee magaaladaasi, taas oo dhowaan dib u dhis lagu sameyn doono. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites